Mareykanka oo Xayiraad Kusoo Rogay mid kamida Culimada ugu caansan Galbeedka Afrika.

Sunday November 10, 2019 - 09:02:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Xayiraad Kusoo Rogay mid kamida Culimada ugu caansan Galbeedka Afrika.

    War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada lagu daray hoggaamiye sare uu katirsan Mujaahidiinta wadanka Maali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada lagu daray hoggaamiye sare uu katirsan Mujaahidiinta wadanka Maali.


Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraad kusoo rogtay hantida Sheekh Amadou Koufa oo kamid ah mas'uuliyiinta jamaacada Nusratul Islaam walmuslimiin ee loosoo gaabiyo [JNIM].

Hoggaamiyahan mujaahidka ah ayay xukuumadda Washington ku eedaysay in uu halis ku yahay amniga muwaadiniinta Americanka ah islamarkaana uu maleegay weeraro lagu laayay ciidamada isbahaysiga Faransiisku hoggaamiyanayo ee ku sugan wadanka Maali.

Wasaaradda Keydka Mareykanka ayaa sheekhan u aqoonsatay in uu kamid yahay waxa loogu yeero Argagaxisada caalamiga ah taas oo ka dhigan in dilkiisa loo fasaxay ciidanka Mareykanka ee ka howlgala qaaradda Afrika.


Sheekh Amadou Koufa ayay dowladda Faransiiska sheegtay in ay ku dishay weerar ka dhacay bartamaha wadanka Maali balse si lama filaan ah ayuu Hoggaamiye Koufa ugasoo muuqday Isdaar ay soo saartay Mu'asasada Azzalaaqah oo ah garabka warbaahineed ee JNIM.

Hoggaamiyahan Jihaadiga ah ee lagu biiriyay liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa ah daaci caan ka ah wadamada Maali iyo Niger isagoo kamid ahaa ducaadda Salafiyiinta inta uusan ku biirin jihaadka hubeysan ee ka holcaya galbeedka qaaradda Afrika.

Warbixin sanaddii 2018 kasoo baxday Mareykanka iyo Q.Midoobay ayaa lagu sheegay in JNIM oo ah faraca Al Qaacidda ee galbeedka qaaradda Afrika ay kordhisay weeraradeeda ayna noqotay jamaacada jihaadiga ah ee ugu awoodda badan mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items