Xasan Sheekh iyo Shariif oo muddo saacada ah lagu xanibay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sunday November 10, 2019 - 09:01:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh iyo Shariif oo muddo saacada ah lagu xanibay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

    Dowladda Farmaajo ayaa markale bahdil siyaasadeed kula kacday hoggaamiyaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Farmaajo ayaa markale bahdil siyaasadeed kula kacday hoggaamiyaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya.


Amar kasoo baxay xukuumadda Kheyre iyo Farmaajo madaxda ka yihiin ayaa lagu xanibay diyaarad Xasan Garguurte iyo Shariif Sheekh Axmed ka qaadi laheyd garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo kamid ah xubnaha wafdiga uraaci lahaa magaalada Beled Weyne ayaa sheegay in laxanibay Shariif iyo Xasan Sheekh tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid khalad ah.

Xiisado ayaa ka dhalatay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, maleeshiyaad ilaala u ah madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka iyo ciidamo daacad u ah Xasan Cali Kheyre ayaa ku sigtay in ay dagaallamaan.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in cadaadis ay odayaal dhaqameedyo saareen dowladda kadib ay ogolaatay in madaxweynayaashii ay udhoofaan dhanka magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

Shariif iyo Xasan Sheekh oo uu ay la socdeen xildhibaanno uu kamid yahay C/qaadir Cosole ayaa gaaray magaalada Beled Weyne, dhinaca kale Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday socdaal uu ku tagi lahaa magaalada Beled Weyne.

Siyaasiyiintan lagu xanibay garoonka Muqdisho ayaa madax u ah Xisbiyo siyaasadeed oo si aad ah umucaaradsan dowladda Farmaajo, magaalada Beled Weyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabelle ayay madaxda DF-ka booqanayeen maalmihii lasoo dhaafay iyagoo halkaas sawirro isagasoo qaadaye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items