Video: Shariif Sheekh Axmed oo ku hanjabay in sidii Mooryaantii Muqdisho ay ula dagaallami doonaan dowladda Farmaajo.

Sunday November 10, 2019 - 21:25:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Shariif Sheekh Axmed oo ku hanjabay in sidii Mooryaantii Muqdisho ay ula dagaallami doonaan dowladda Farmaajo.

    Hoggaamiyaasha Xisbiyada ee ka jira magaalada Muqdisho ayaa hanjabaadii ugu kululeed ujeediyay dowladda ay madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaasha Xisbiyada ee ka jira magaalada Muqdisho ayaa hanjabaadii ugu kululeed ujeediyay dowladda ay madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre.

Shariif Sheekh Axmed iyo  Xasan Garguurte oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho kadib markii ay kasoo laabteen magaalada Beled Weyne ayaa ku hanjabay in ay caasimadda ka saari doonaan dowladda Farmaajo madaxda ka yahay haddii ay joojin wayso dulmiga ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

"Walaahi Thuma Walaahi,  haddaysan joojin waan bixineynaa waana iska dhicinaynaa mooryaanta" ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo weerarkii ugu xooganaa ku qaaday xukuumadda Villa Somalia.


Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay dowladda hadda jirta in ay cunaqabateyn ku hayso ganacsatada magaalada Muqdisho islamarkaana ay waddooyinka ku goysay dhagxaan, nidaamka kajira Villa Somalia ayuu Shariif Axmed ku sifeeyay mid lamid ah mooryaantii sanado ka hor gobolka Banaadir laga saaray.

Halkan ka degso Video-ga ama hoos ka daawo


Related Items