Maleeshiyaadka PKK oo dad shacab ah ku laayay Waqooyiga Suuriya.

Monday November 11, 2019 - 10:41:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka PKK oo dad shacab ah ku laayay Waqooyiga Suuriya.

    Maleeshiyaadka Kooxaha Kurdiyiinta ayaa sare uqaaday weerarad ay ku beegsanayaan magaalooyinka ay dhowaan qabsadeen ciidamada Melleeteriga Turkiga ee waqooyiga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Kooxaha Kurdiyiinta ayaa sare uqaaday weerarad ay ku beegsanayaan magaalooyinka ay dhowaan qabsadeen ciidamada Melleeteriga Turkiga ee waqooyiga wadanka Suuriya.


Ugu yaraan 8 qof oo shacab ah ayaa dhintay 20 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu ku qarxay deegaan hoos taga magaalada Tal Abyad ee gobolka Raqqa.

Wasaaradda difaaca dowladda Turkiga ayaa sheegtay in qaraxa oo ka dhashay gaari  walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen dagaalyahannada PKK ladhigay goob dadka shacab ah ku badanyihiin Koonfurta Tal Abyad uu dhaliyay khasaara lixaad leh.


Wariyaal ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa soo sheegay in howlgallada Turkiga ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta uu sababay barakaca kumanaan kun oo qof islamarkaana PKK ay adeegsanayso hanaanka ku dhufo oo ka dhaqaaq, PKK ayaa gaadiid miinaysan ku weeraraysa magaalooyinka muslimiinta Carabta deganyihiin ee dhowaan laga fara maroojiyay.

Bishii lasoo dhaafay ayay xukuumadda Ankara qaadday howlgalka Guga Nabadda kaas oo ay ku qabsatay magaalooyin kaabiga ku haya xuduud banaadka ay Suuriya iyo Turkiga wadaagaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items