Farmaajo oo kulan laqaadan doono Uhuru Kenyatta.

Monday November 11, 2019 - 20:42:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo kulan laqaadan doono Uhuru Kenyatta.

    Hoggaamiyaha ugu sarreeya dowladda Federaalka ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Nairobi ee caasimdda dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha ugu sarreeya dowladda Federaalka ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Nairobi ee caasimdda dalka Kenya.


Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maantay usafray dalka Kenya halkaas oo uu ka dhacayo shir ay soo qaban qaabisay waxa loogu yeero Q.Midoobay.

Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Nairobi wuxuu kulan gaar ah layeelan doonaa Uhuru Kenyatta oo uu kala hadli doono khilaafka u dhaxeeya labada dhinac oo salka ku haya maamulka Axmed Madoobe iyo arrinta badda.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in R/wasaaraha Itoobiya uu markale Farmaajo iyo Uhuru ku dhax dhaxaadin doono Nairobi, dowladda Kenya ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii meesha looga saari lahaa dacwada dhanka Badda ah ee kala dhaxaysa dowladda Federaalka.

Siyaasiyiinta Xisbiyada mucaaradka  ee ka jira Soomaaliya ayaa horay ugu eedeeyay dowladda Farmaajo in ay tanaasul umuujinayso dowladda Kenya oo doonaysa in loo sharciyeeyo badda Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items