Weerar gaari looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay deegaanka Muuri.

Monday November 11, 2019 - 21:13:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar gaari looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay deegaanka Muuri.

    Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka magaalada Marka ee Sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weeraro lala beegsaday ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka magaalada Marka ee Sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weeraro lala beegsaday ciidamada AMISOM.

Maanta gelinkii dambe ayaa kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM lagu weeraray deegaanka Muuri oo udhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Marka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhowr qarax lala helay ciidamo Yugaandheys ah oo ka yimid dhanka Muqdisho islamarkaana sahay usiday ciidamada ku sugan deegaanka Lambar60.

Jugta qaraxyo xooggan iyo tacshiirado ayaa laga maqlay deegaanka Muuri, warar laga helay Sh/Hoose ayaa xaqiijinaya in gaari Gaashaaman oo ay wateen ciidamada Uganda lagu gubay qaraxyada, warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in qaraxyada kadib ay xoogaga Al Shabaab weerar fool ka fool ah ku qaadeen ciidamada AMISOM.


Mar walba oo ay ciidamada shisheeye damcaan in ay sahay isugu kala gudbiyaan wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Marka ayay weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah kala kulmaan xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items