Yahuudda oo Hoggaamiyaal katirsan Xarakada Jihaadul Islaami ku beegsatay Gaza iyo Dimishiq.

Tuesday November 12, 2019 - 10:03:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yahuudda oo Hoggaamiyaal katirsan Xarakada Jihaadul Islaami ku beegsatay Gaza iyo Dimishiq.

    Diyaaradaha dagaalka Yahuudda ayaa duqeymo khasaara dhaliyay ka geystay magaalooyin katisan dalalka Falasdiin iyo Suuriya oo dhammaantood dhaca mandiqadda barakeysan ee Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dagaalka Yahuudda ayaa duqeymo khasaara dhaliyay ka geystay magaalooyin katisan dalalka Falasdiin iyo Suuriya oo dhammaantood dhaca mandiqadda barakeysan ee Shaam.


Wararka ka imaanaya magaalada Qaza ayaa sheegaya in diyaaradaha Yahuudda ay xalay saqdii dhexe duqeeyeen guri kuyaal xaafadda Al Shujaaciyah ee bariga magaalada halkaas oo uu deganaa hoggaamiye katirsan kooxaha muqaawamada Falasdiin.

Saraayal Qudus oo kamid ah garabyada Melleteri ee Xarakada wax iska caabinta Jihaadul Islaami ayaa xaqiijisay in duqeynta lagu dilay hoggaamiye Abul Caddaa iyo xaaskiisa.

"duqeyn ay Yahuuddu ka geysteen magaalada Ghaza waxaa ku shahiiday hoggaamiye Abul Caddaa iyo xaaskiisna waana ka aargoosan doonaa" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xarakada Al Jihaad.


Duqeyn kale oo diyaaradaha Yahuudda ay ka geysteen magaalada Dimishiq ayay ku beegsadeen guri uu deganaa mid kamida saraakiisha ugu sarraysa kooxda Xamaas ee dhulka Falasdiin ka halganta.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay wiil uu dhalay hoggaamiye Akram Alcajuuri balse lama oga in ladilay hoggaamiyaha bartilmaameedka ahaa iyo inkale.

Afhayeen u hadlay ciidanka Yahuudda ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda cirka ay beegsadeen hoggaamiyaal uu ku tilmaamay Argagaxiso, Afakhay Adraci wuxuu sheegay in amarka fulinta weeraradan uu bixiyay R/wasaaraha Yahuudda.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/memomedia
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items