Ciidamo katirsan AMISOM oo lagu qarxiyay degmada Mahadaay.

Tuesday November 12, 2019 - 19:18:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan AMISOM oo lagu qarxiyay degmada Mahadaay.

    Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax xooggan gudaha degmadaas lagula beegsaday ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax xooggan gudaha degmadaas lagula beegsaday ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM.

Jugta qarax xooggan ayaa maanta duhurkii laga maqlay degmada Mahadaay xilli ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay ku lugaynayeen gudaha degmada, dad goob joogayaal ah waxay warbaahinta u sheegeen in qarax miino uu haleelay cutubyo katirsan ciidamada Burundi.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhacay Mahadaay, bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax askar looga dilay ciidamada Burundi uu ka dhacay deegaanka Buurane ee Sh/dhexe.


Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/memomedia
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items