Al Shabaab Oo ciidamo katirsan Melleteriga Kenya ku qarxisay duleedka degmada Wajeer.

Tuesday November 12, 2019 - 19:30:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo ciidamo katirsan Melleteriga Kenya ku qarxisay duleedka degmada Wajeer.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in weerar qarax lagu beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Kenya ee xoogga ku heysta dhulka gummeysiga kujira ee NFD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in weerar qarax lagu beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Kenya ee xoogga ku heysta dhulka gummeysiga kujira ee NFD.

Qarax shalay ka dhacay deegaanka Kutulo ee hoos taga degmada Wajeer ayaa sababay in uu gubtay gaari gaashaaman oo ay la socdeen ciidamada melleteriga dowladda Kenya.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka XSHM ayaa baahisay in ay qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dhammaan askartii la socotay gaariga burburay, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan qaraxa ciidamadeeda lagula beegsaday duleedka degmada Wajeer.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/memomedia
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items