3 Askari oo lagu dilay Muqdisho iyo weerar ka dhacay duleedka Balcad.

Wednesday November 13, 2019 - 10:22:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Askari oo lagu dilay Muqdisho iyo weerar ka dhacay duleedka Balcad.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo deegaan dhaca duleedka Balcad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo deegaan dhaca duleedka Balcad.

Xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha ku dilay sedax askari oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta Canshuur aruurinta.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ragga weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, dhinaca kale weerar xooggan oo xalay ka dhacay deegaanka Cadayga ee duleedka degmada Balcad ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay ciidamada dowladda.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari lagu dilay weerarka oo ahaa mid aadka ah oo xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada dowladdu gaadiidka dadweynaha lacago sharci darra ah uga qaadayeen.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/memomedia
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items