10 qof Falasdiiniyiin ah oo ku shahiiday duqeymaha ka socda magaalada Gaza.

Wednesday November 13, 2019 - 11:25:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 qof Falasdiiniyiin ah oo ku shahiiday duqeymaha ka socda magaalada Gaza.

    Ugu yaraan 10 qof Falasdiiniyiin ah ayaa ku shahiiday duqeymo aan kala joogsi laheyn oo diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay ka geysteen magaalada Qaza iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10 qof Falasdiiniyiin ah ayaa ku shahiiday duqeymo aan kala joogsi laheyn oo diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay ka geysteen magaalada Qaza iyo hareeraheeda.


Wararka ka imaanaya Falasdiin ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay  diyaaradaha Yahuudda ay magaalada Gaza ku duqeeyeen in ka badan 30 gantaal.

Saraakiisha caafimaadka Gaza waxay sheegeen in tobanaan qof dhaawacyo ah la dhigay isbitaallada magaalada, dadka ugu caansan ee lagu dilay duqeymaha magaalada kasoo cusboonaaday waxaa kamid ah Bahaa Abul Caddaa oo kamid ahaa saraakiisha kooxda Jihaadul islaami iyo xaaskiisa.


dhinaca kale kooxaha muqaawamada Falasdiin ayaa in kabadan 109 gantaal ku weeraray degmooyin iyo deegaanno ay deganyihiin dadka Yahuudda ah ee xoogga lagu dajiyay dhulka Shaam.

Qalabka gantaallada ka hortaga ee Yahuudda ayaa qabtay tobanaan gantaal oo laga riday dhanka magaalada Gaza, dhammaan xoogaga Muqaawamada Falasdiin ayaa xaalad heegan ah galay waxayna ku hanjabeen in ay qaadi doonaan weeraro aargudasho ah.

Related Items