34 qof Falasdiiniyiin ah oo ku shahiiday duqemaha magaalada Qaza.

Thursday November 14, 2019 - 09:48:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    34 qof Falasdiiniyiin ah oo ku shahiiday duqemaha magaalada Qaza.

    ku dhowaad 40 qof oo Falasdiiniyiin ah ayaa ku shahiiday duqeymihii wuxuushnimo ee diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay ka geysteen magaalada Gaza ee dalka Falasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ku dhowaad 40 qof oo Falasdiiniyiin ah ayaa ku shahiiday duqeymihii wuxuushnimo ee diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay ka geysteen magaalada Gaza ee dalka Falasdiin.


Duqeymo ba'an oo saaka aroortii hore ka dhacay xaafadda Deyral Balax ee bartamaha magaalada Qaza ayaa sababay dhimashada illaa 8 qof oo dhammaantood isku qoys ahaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in diyaaradaha Yahuudda nuuca loo yaqaan F16 ay duqeeyeen guriga oo ay deganaayeen dad shacab ah, kooxaha muqaawamada ayaa dhankooda sheegay in ay sawaariikh ku beegsadeen saldhigyo melleteri iyo goobo muhiim ah oo ciidamada Yahuuddu ay ku leeyihiin magaalooyinka ay ka heystaan Falasdiin.


Saraakiisha caafimaadka magaalada Qaza ayaa sheegay in dadka ku shahiiday duqeymaha isku geyn ay gaarayaan illaa 34 qof  lagasoo bilaabo maalintii Talaadada waxaana kamid ah hoggaamiye sare oo katirsan Kooxda Jihaadul Islaami.

Dhinaca kale kooxaha muqaawamada iyo maamulka Yahuudda ayaa la sheegay in ay ogolaadeen heshiis xabad joojin ah.

Related Items