Dhoobo Daareed "Waa burburay maamulkii Puntland ee dadka kawada dhaxeeyay".

Thursday November 14, 2019 - 12:02:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhoobo Daareed "Waa burburay maamulkii Puntland ee dadka kawada dhaxeeyay".

    Xildhibaannada baarlamaanka maamulka isku magacaabay Puntland ayaa doortay guddoomiye cusub kadib markii dhowaan xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka isku magacaabay Puntland ayaa doortay guddoomiye cusub kadib markii dhowaan xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.


Fadhi ay xildhibaannadan oo aad u taageersan Saciid Deni ay ku yeesheen magaalada Garoowe ayay guddoomiye ugu doorteen nin lagu magacaabo Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil.

Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay ayaa siyaasadda kusoo biiray sanaddii 2014 waxayna si aad ah isugu dhowyihiin Saciid Deni, Cabdi Rashiid ayaa horay usoo noqday agaasimaha madaxtooyada maamulkii Cabdi Wali Gaas.

dhinaca kale Cabdi Xakiim Dhoobo daareed guddoomiyihii hore ee baarlamaanka 'Puntland' ayaa digniin udiray maamulka Deni, wuxuu sheegay in uu dhammaaday Puntland-tii lawada lahaa sida uu hadalka u dhigay.


” Puntland-tii ay dadku wada lahaayeen waa dhammaatay Waxaase kasii daran dadkii masuuliyadda shacabka la saaray oo dhaawici iyo meydkii oo yaal ka xishoon waayey war bal aan meydka aasno” ayuu yiri Dhooba Daareed.

Iska hor'imaad shalay ka dhacay Boosaaso waxaa ku dhintay ugu yaraan 4 qof oo uu kamid ahaa taliyihii ciidamada Koontaroollada Boosaaso, maleeshiyaad beeleed kasoo weerar tagay deegaanka Carmo ayaa gudaha ugalay magaalada waxayna digniin ujeediyeen Saciid Deni.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items