Al Shabaab oo Weerar Askar lagu dilay ku qaadday saldhigga deegaanka Af Urur.

Friday November 15, 2019 - 17:37:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar Askar lagu dilay ku qaadday saldhigga deegaanka Af Urur.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo ka dhacay deegaanka Af urur ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo ka dhacay deegaanka Af urur ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.


Saaka aroortii hore ayay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waxay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Puntland ee deegaanka Af Urur.

Weerarka oo ku bilaawday madaafiic ayaa markii dambe isku rogay mid fool ka fool ah oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 3 askari oo ciidamada 'Puntland' katirsan islamarkaana lagu dhaawacay 6 kale.


"Mujaahidiinta ayaa weerar isugu jiray madaafiic iyo dagaal toos ah ku qaaday saldhigga maleeshiyaadka maamulka Ridada Puntland ee deegaanka Af Urur, dhimashadu waa sedax lix kalane waa dhaawacmeen" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Idaacadda Andalus ayaa sheegtay in ciidamada Al Shabaab ay deegaanka Af Urur kasoo daabusheen saanado hub ah oo ay goobta uga tageen ciidamadii maamulka Puntland ee laga itaal roonaaday.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items