Boqol Qarax oo ka dhacay magaalooyin katirsan Wadanka Sweden.

Saturday November 16, 2019 - 09:28:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqol Qarax oo ka dhacay magaalooyin katirsan Wadanka Sweden.

    Wadanka Sweden waa dal kamid ah wadamada la isku yirahdo Scandinavian-ka halkaas oo inta badan Bulshada ay umaleynayaan in uu yahay mid nabad ah, balse xaqiiqda dhabta ah ayaan aheyn sida ay dadku moodaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Sweden waa dal kamid ah wadamada la isku yirahdo Scandinavian-ka halkaas oo inta badan Bulshada ay umaleynayaan in uu yahay mid nabad ah, balse xaqiiqda dhabta ah ayaan aheyn sida ay dadku moodaan.



Sanadkan oo kaliya waxaa Sweden laga diiwaan galiyey in kabadan boqol qarax halka sanadkii 2018kiina laga diiwaan galiyay in ka badan 162 Qarax.

Shacabka ku dhaqan Magalada Stockholm oo ah casimada wadanka Sweden ayaa laba habeen ka hor marqura ku baraarugay qaraxyo waaweyn oo gilgilay magalada kuwaas oo gaarayay illaa sedax waxayna aheyd markii ugu horeysay oo caasimada dhexdeeda laga maqlo qaraxyadaasi.

Inta badan qaraxyada waxa ay bilihii lasoo dhaafay ka dhacayeen hareeraha caasimadda iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, mararka qaar ayaana jugtooda ayaa laga maqli jiray xaafadaha dhoca daafaha caasimadda.



Qof kamid ah dadka ku dhaqan xaafada Sodir MALIM ee katirsan magalada Stockholm oo lagu magacabo Juul ahna 22 jir ayaa yiri "mid kamid ah qaraxyada ka dhacay caasimada wuxuu burburiyey albaabka gurigeyga, sidoo kalena wuxuu dhulka soo dhigay dhammaan daaqadihii guriga oo ka sameysnaa muraayado, mana garanayo cidda ka danbeysay qaraxaasi".

Police-ka Sweden ayaa shaaciyay in sanadkan qaraxyadu ahaayeen kuwa aan la qiyaasi Karin, illaa hadana ay ka hor tageen ugu yaraan 97 qarax sagaalkii bilood e lasoo dhaafay, tiradaas oo ah mid aad u badan marka la fiiriyo makaanada uu dalkani ku leeyahay indhaha caalamka.

Qaraxyada noocaan ah ayaa dalka Sweden ka bilowday sanadkii 2017ka, sanadkii xigay ee 2018ka ayuuna taliska Police-ka qeybtiisa ka hor taga qaraxyada shaaciyay in dalkaasi uu marti galiyey ilaa 162 qarax oo kala duwan.

Khubarada ku takhasusay minooyinka oo fariisimo ka sameystay dhamaanba xaafadaha caasimadda iyo magalooyinka kale ee dalka Sweden ayaa loo yeeray in ka badan 30 Jeer labadii bil ee lasoo dhaafay sida ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay taliska Police-ka ee wadankaasi.

Linda Shatiraf oo ah agaasimaha waaxda sirdoonka ee howl galada amniga qaranka ayaa sheegtay, in inta badan qaraxyada ka dhacay dalka Sweden labadii sano ee lasoo dhaafay loo adeegsada Bambooyin kuwa dhawaqa bixiya ah , bam gacmeedyo iyo miinooyin kale oo lagu farsameyey gudaha wadanka, inkastoo khasaaraha ay geysten ay ku sheegtay inuusan aheyn mid sidaa u buuran.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay tiri, qaraxyada waxaa ka dambeeya kooxo gaangiistarro ah oo dalka ka jira, hadafka laga leeyahana ay tahay in lagu argagax galiyo kooxaha kale ee loolanka kula jira, ama handada xubno katirsan kooxa ka ganacsada Mukhadaradka oo dhexdooda looga shakiyey inay dowlada la shaqeyan.





Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items