Maamulka 'Jubbaland' oo Itoobiya ku Eedeeyay in ay gobolka Gedo u af duubayso dowladda Farmaajo.

Saturday November 16, 2019 - 10:21:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Jubbaland' oo Itoobiya ku Eedeeyay in ay gobolka Gedo u af duubayso dowladda Farmaajo.

    Markii ugu horraysay maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa ka hadlay qorshaha ay dowladda Farmaajo gobolka Gedo uga dhigayso mid kamadax banaan maamulka Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa ka hadlay qorshaha ay dowladda Farmaajo gobolka Gedo uga dhigayso mid kamadax banaan maamulka Kismaayo.



War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in dowladda Farmaajo ay dowladda Itoobiya uwakiilatay sidii gobolka Gedo uu si toos ah uhoos tagi lahaa magaalada Muqdisho.

Xirsi Jaamac oo ku magacaaban wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka 'Jubbaland' ayaa warqad dacwa ah oo uu ugudbiyay Ergayga Q.Midoobay ee Soomaaliya wuxuu uga hadlay walaaca ay ka qabaan gobolka Gedo.

Maamulka dabadhilifka Jubbaland ayaa si cad usheegay in dowladda Itoobiya ay xirtay sedax guddoomiye degmo oo kala maamulayay degmooyinka Luuq,Beled Xaawo iyo Dooloow ujeedka loo xirayna uu yahay sidii loogu cadaadi lahaa in ay hoos tagaan dowladda Federaalka.



Khilaafka udhaxeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa gaaray meeshii ugu xumeed waxaana muuqata in DF-ka ay Itoobiya u adeegsanayso sidii ay baalasha uga rifi laheyd maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo.

Bil ka hor saraakiil katirsan melleteriga Itoobiya oo doonayay in ay xiraan Axmed Madoobe ayaa lagasoo celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items