Dagaallo ka dhacay duleedyada magaalada Marka Ee Sh/Hoose.

Saturday November 16, 2019 - 11:21:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo ka dhacay duleedyada magaalada Marka Ee Sh/Hoose.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ku dhaxmaray maleeshiyaadka dowladda iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ku dhaxmaray maleeshiyaadka dowladda iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaadka dowladda ee lagu tababaray saldhigga ciidanka Turkiga ee Muqdisho.

Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay tuulada Ceelsaliini halkaas oo ciidamo katirsan Xarakada SHM ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen.

Dhinaca kale weerar dhabbagal ah ayay lakulmeen maleeshiyaad katirsan DF-ka xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaannada Aala Yaasir iyo Awdheegle, xoogag katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in ay wadada ugaleen maleeshiyaadkan balse lama oga khasaaraha ka dhashay.


Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items