Video: Cumar Finish oo diiday in lafuro waddooyinka Muqdisho ee dowladda uxiran

Saturday November 16, 2019 - 11:34:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Cumar Finish oo diiday in lafuro waddooyinka Muqdisho ee dowladda uxiran

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa qiray in uusan awood u laheyn furidda waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, xirnaashiyahaas oo shacabku dhib weyn ku qabaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka gobolka Banaadir ayaa qiray in uusan awood u laheyn furidda waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, xirnaashiyahaas oo shacabku dhib weyn ku qabaan.

Cumar Finish oo dowladda Federaalka ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo isaga lala damacsanaa.

isagoo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayuu sheegay in gacanta lagu dhigay mid kamida agaasimayaasha maamulkiisa oo qarax geysan lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Cumar Finish ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu ku guul darraystay furidda waddooyinka Muqdisho oo lagu gooyay dhagxaan shamiinto ka sameysan, wuxuu sheegay in duruufo amni darteed ay waddooyinku u xiranyihiin.


Siyaasigan oo horay uga mid ahaa dagaal oogayaashii Muqdisho ayaa umuuqda in uusan u madax banaaneyn maamulka gobolka Banaadir oo uu ku shaqeynayo awaamirta Farmaajo iyo Kheyre.

Cumar Finisha ayaa markii xilka guddoomiyanimo loo magacaabay ballan qaaday in uu furi doono waddooyinka waaweyn ee dhagaxaanta lagu xiray si dhaq dhaqaaqyada ganacsi ee caasimadda ay ubulaalaan balse ballanqaadkaas ayaa beenoobay.

Halkan ka degso Video
ama hoos ka daawo



Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items