Mas'uuliyiin katirsanaa maamulka degmada Beled Xaawo oo isku dhiibay Al Shabaab.

Sunday November 17, 2019 - 09:45:23 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin katirsanaa maamulka degmada Beled Xaawo oo isku dhiibay Al Shabaab.

    Mas'uuliyiin katirsanaa maamulka Jubbaland oo ka howlgelayay mid kamida magaalooyinka gobolka Gedo ayaa iyago towbad keenayaal ah isku dhiibay Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin katirsanaa maamulka Jubbaland oo ka howlgelayay mid kamida magaalooyinka gobolka Gedo ayaa iyago towbad keenayaal ah isku dhiibay Xarakada Al Shabaab.

Munaasabad ka dhacday degmada Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa lagusoo bandhigay illaa Afar Mas'uul oo ka shaqeynayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beled Xaawo.

Saraakiisha isku dhiibtay Al Shabaab oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay go'aansadeen in ay isaga baxaan xarig jiidka siyaasadda Soomaaliya ayna dadkooda dhinac ka raaci doonaan.

Hoos ka akhri magacyada iyo jagooyinka saraakiisha isdhiibtay.


Xuseen Jibriil Ibraahim wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8aad ee Beled xaawo
Xuseen Sahal Aadan wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda7aad ee Beled xaawo
Cabdiwali Iftiin Barroow wuxuu ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7aad ee magaalada Beled Xaawo
Maxamed khaliif xasan guddoomiyaha xaafadda 8aad ee magaalada Beled Xaawo.

Sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay maamullada Islaamiga ah ee kajira gobolka Gedo waxaa isku dhiibayay askar iyo saraakiil katirsanaa maamulka isku magacaabay Jubbaland kuwaas oo ciidamada shisheeyaha ku wehlinayay duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items