'Beesha Caalamka' oo soo dhoweysay tanaasulkii uu Farmaajo ka sameeyay dacwada badda Soomaaliya.

Sunday November 17, 2019 - 10:57:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Beesha Caalamka' oo soo dhoweysay tanaasulkii uu Farmaajo ka sameeyay dacwada badda Soomaaliya.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si diirran usoo dhoweeyay tanaasulkii uu Farmaajo ka sameeyay dacwada dhanka badda ee kala dhaxaysay dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si diirran usoo dhoweeyay tanaasulkii uu Farmaajo ka sameeyay dacwada dhanka badda ee kala dhaxaysay dowladda Kenya.


Warmurtiyeed si wada jir ah ay usoo saareen dowladaha iyo Ururada ku lugta leh duullaanka lagusoo qaaday Soomaaliya ayaa Farmaajo ku bogaadiyay is fahamkii uu lagaaray dowladda Kenya.

Dhinacyada warmurtiyeedka soo saaray oo ay kamid yihiin dowladaha Uganda,Itoobiya iyo Mareykanka ayaa dhammaantood muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin in dowladda Farmaajo ogolaatay in dacwada badda lagasoo wareejiyo maxkamadda ICJ.

"Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaqsi ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal,uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee Geeska Afrika,”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.


Khamiistii lasoo dhaafay ayay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya sheegtay in Farmaajo ogolaaday in murunka dhanka badda si hoose loo xalliyo lagana tanaasulo dacwada taal maxkamadda ICJ.

Dowladda Kenya ayaa geed dheer iyo geed gaaban ugashay sidii ay u xalaalaysan laheyd qeyb kamid ah badda Soomaaliya oo sanaddii 2009 uu u saxiixay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo xilligaas ahaa wasiirka qorshaynta dowladdii Shariif Sheekh Axmed.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items