Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada Maamulka Puntland oo Ka Dhacay Deegaanka Galgala Ee Gobolka Bari.

Tuesday December 06, 2016 - 11:08:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada Maamulka Puntland oo Ka Dhacay Deegaanka Galgala Ee Gobolka Bari.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Daraawiishta Maamulka Puntland
Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland.

Weerarka oo dhacay maanta barqadii ayaa ka dhashay qarax miino oo lala helay  gaari cadha-meydla ah oo ay la socdeen ciidamada Daraawiishta Puntland waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxaasi ka dhashay.

Sarkaal katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in qaraxa  ay ku gubeen gaariga islamarkaana ay dileen intabadan wixii ciidan ahaa ee gaariga saarnaa.


Ilo wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 askari  lagu dilay xilli askartu ay kasoo laabanayeen difaacyada ay uga suganyihiin buuralayda Galgala oo qiyaastii 35 KM ujirta magaalada Boosaaso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items