Ciidamada Al Shabaab oo la wareegay deegaan hoos yimaad magaalada Ceerigaabo.

Sunday November 17, 2019 - 17:08:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo la wareegay deegaan hoos yimaad magaalada Ceerigaabo.

    Wararka ka imaanaya gobollada Waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogagga Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaan istiraatiiji ah oo katirsan gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogagga Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaan istiraatiiji ah oo katirsan gobolka Sanaag.


Sida ay sheegeen dadka deegaanka Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagusoo dhoweeyay deegaanka Istiraatiijiga ah ee Gacan Maroodi oo qiyaastii 50 KM ujira magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku xaqiijisay in ciidamadeedu ay qabsadeen deegaanka Gacan Maroodi islamarkaana si heer sare ah ay ugusoo dhoweeyeen shacabka deegaanka.

"Allaah fadligii maanta ciidamada Mujaahidiinta waxay la wareegeen deegaan Istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Sanaag, deegaankaas waxaa lagu magacaabaa Gacan-Maroodi, wuxuuna qiyaastii 50km u jiraa magaalada Ceerigaabo, ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay ka dib markii ay ka ceyriyeen maleeshiyaatkii ku sugnaa, dadweynaha ayay meel fagaara ah kala hadleen si wanaagsan ayaana loo soo dhaweeyey" ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Al Shabaab.


Ciidamo taabacsanaa maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa isaga firxaday deegaanka Gacan Maroodi taas oo xoogagga Shabaabul Mujaahidiin u suurtagelisay in ay si nabad gelya ah kula wareegaan deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada Al Shabaab ay goob fagaare ah kala hadlaan shacabka waxayna ujeediyeen muxaadarooyin diini ah.

Deegaanka Gacan Maroodi ayaa noqonaya deegaankii ugu horreeyay ee Al Shabaab ay ka qabsadaan gobollada waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay Somaliland waxayna tani ka dhigan tahay xoogaggan Jihaadiga ah uu Allaah u furay dhul hor leh, islamarkaana uu hadda halgankoodu noqday mid isku dheeli tiran oo si isku mid ah kaga holcaya koonfurta, bartamaha, waqooyiga iyo xitaa deegaanada waqooyi bari ee dalka Soomaaliya.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items