Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Sunday November 17, 2019 - 19:00:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta ka dhacay deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta ka dhacay deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Maanta gelinkii dambe ayaa weerar dhabbagal ah loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, weerarka oo ka dhacay inta udhaxaysa deegaannada Calamada iyo Xaawa Cabdi ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada la weerararay.

Ilo wareedyo ay heshay SomaliMeMo ayaa sheegaya in weerarka lagu beegsaday laba gaari Cabdi Bilayaal ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda waxaana ciidamada dowladda laga dilay 4 Askari halka askari kale uu dhaawac soo gaaray.


Xoogagga Al Shabaab ee weerarka dhabbagalka ah u dhigay gaadiidka ay la socdeen ciidamada dowladda ayaa markii dambe dib uga gurtay wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Inta badan ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ayaa lakulma weeraro iyo qaraxyo marka ay ku socdaalayaan deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Related Items