Al Shabaab oo magaalada Gaalkacyo ku dishay Madaxii Nabad Sugidda Gobolka Mudug ee qeybta 'Puntland'.

Monday November 18, 2019 - 19:22:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo magaalada Gaalkacyo ku dishay Madaxii Nabad Sugidda Gobolka Mudug ee qeybta 'Puntland'.

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar qorshaysan lagu dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar qorshaysan lagu dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Puntland.

Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay madaxii sirdoonka gobolka Mudug qeybta Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakad Al Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay Xaashi Cilmi Geelle oo ahaa madaxii sirdoonka gobolka Mudug ee qeybta Puntland.

"Mujaahidiinta ayaa howlgal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ku khaarijiyay Xaashi Cilmi Geelle oo ahaa madaxii Ashahaadda ladirirka maamulka Ridada Puntland ee gobolka Mudug" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Dilalka lagu beegsanayo saraakiisha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii badanayay dacallada Waqooyi iyo Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Al Shabaab ayaa dagaal adag kula jirta maamulladan gacan saarka la leh dowladda Xabashida Itoobiya, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka 'Puntland' oo ku saabsan weerarka caawa Gaalkacyo ka dhacay.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items