Dagaal Khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay degmada Diinsoor.

Monday November 18, 2019 - 19:20:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay degmada Diinsoor.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta degmada Diinsoor ku dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed oo ah maamul ay dhiseen ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta degmada Diinsoor ku dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed oo ah maamul ay dhiseen ciidamada Xabashida Itoobiya.

Dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa dhaxmaray maleeshiyaad daacad u ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor ninka lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) kaas oo diiday in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay.

Ugu yaraan 5 askari oo labada dhinac kala kala tirsan ayaa ku dhintay dagaalka halka 10 kale ay dhaawacyo soo gaareen, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka guddoomiyihii hore ee Diinsoor ay dagaalka ku gacan sarreeyeen balse markii dambe dagaalka waxaa soo farageliyay ciidamada Itoobiya oo lasaftay ciidamada daacadda u ah guddoomiyaha cusub.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in magaalada Diinsoor ay lawareegeen ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka guddoomiyaha cusub, Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) iyo ciidamo uu wato ayaa duleedka degmada ubaxsaday.

Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/joinchat/AAAAAEpW65v-5KIkyfHWEw
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items