Mas'uul katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo Muqdisho lagu dilay.

Tuesday November 19, 2019 - 09:53:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo Muqdisho lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal gaar ah oo lagu dilay mas'uul sare oo katirsanaa wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal gaar ah oo lagu dilay mas'uul sare oo katirsanaa wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii xaafadda Howlwadaag ku dilay Cumar Axmed Cumar Jinool oo kamid ahaa xoghayaasha wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka.

Dilalka iyo qaraxyada lagu beegsanayo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xarakada Al Shabaab ayaa  sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ka dhacay degmada Afgooye sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items