Mid kamida Ergadii Xildhibaannada soo xulay oo Afgooye lagu dilay iyo qarax ka dhacay Buula Mareer.

Tuesday November 19, 2019 - 11:46:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamida Ergadii Xildhibaannada soo xulay oo Afgooye lagu dilay iyo qarax ka dhacay Buula Mareer.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose oo dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose oo dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.


Qarax xooggan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Buula Mareer ayaa sababay dhimashada ugu yaraan sedax askari oo katirsan ciidamada dowladda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan oo tacashiirad xooggan ay daba socotay, wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa ay dhaawacyo kasoo gaareen Afar askari.

dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa degmada Afgooye ku dilay mid kamida Ergadii xildhibaannada baarlamaanka soo xulay.


Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeenn, dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa degmada Afgooye ku dilay mid kamida Ergadii xildhibaannada baarlamaanka soo xulay.

Shalay gelinkii dambe ayay rag hubeysan gudaha Afgooye ku dileen nin lagu magacaabi jiray Cali Max'med Cusmaan oo dhanka maamulka Koonfur Galbeed kasoo xulay mid kamida xildhibaannada baarlamaanka dowlada Federaalka.

Dilka ninkan ayaa yimid kadib markii uu diiday in uu ka towbad keeno dambigii uu ku dhacay kuna adkeystay in uu kasii mid ahaan doono maamulka Koonfur galbeed sida ay baahisay Idaacadda Andalus.


Related Items