Xuuthiyiinta oo Maraakiib ganacsi ku qafaashay xeebaha dalka Yemen.

Tuesday November 19, 2019 - 09:54:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuuthiyiinta oo Maraakiib ganacsi ku qafaashay xeebaha dalka Yemen.

    Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ka dhacay badda gunteeda lagu qafaashay maraakiib ay leeyihiin dowlado shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ka dhacay badda gunteeda lagu qafaashay maraakiib ay leeyihiin dowlado shisheeye.


Kooxaha Xuuthiyiinta oo ah wakiillada Iiraan ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay qafaasheen illaa sedax markab xilli ay marayeen jaziiradda Cuqbaan ee dhacda Koonfurta biyaha Badda Cas.

Afhayeen u hadlay Xuuthiyiinta ayaa sheegay in sedaxda Markab ee laqafaalay lageeyay dekadda Alsaliif halkaas oo lagu baarayo, sababta ay uqafaasheen ayuu ku sheegay in naaquudayaasha markabka ay  ka madax adeygeen  in ay u hoggaansamaan amar kasoo baxay ciidamadooda.


Maraakiibta ugacan galay kooxaha Xuuthiyiinta mid kamida waxaa leh dowladda Koonfurta Kuuriya halka mid kale ay leedahay dowladda Sacuudiga oo dagaal ba'an uu kala dhaxeeyo Xuuthiyiinta.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items