Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaanno katirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay is fidintii ay xoogaga Al Shabaab ka sameeyeen deeganadooda.
Waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugan gobolka Sanaag ayaa sheegay in imaashiyaha Al
Shabaab ee mandiqadda ay wax weyn ka tari doonto xal uhelidda dagaalla
beeleedyadii ka dhici jiray deegaanadooda.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa maalintii sedaxaad
maamulaya dhowr deegaan oo katirsan gobolka Sanaag waxaana kamid ah deegaanka
Gacan Maroodi oo qiyaastii 50 KM ujira magaalada Ceerigaabo.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Al Shabaab ayaa kulamo layeeshay waxgaradka
deegaanka waxayna isku afgarteen in laga wada shaqeeyo islaaxa oo meesha laga
saaro colaaddii udhaxaysay dadka ehelka ah laguna dhaqmo shareecada Islaamka.
Waa markii ugu horraysay oo Al Shabaab ay halganka ay ka waddo Soomaaliya ku
fidiso gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu kajiro maamulka isku
magacaabay Somaliland.
Al Shabaab ayaa horay umaamulayay deegaanno badan oo katirsan gobolka Bari ee
xaruntiisu tahay magaalada Boosaaso.
Ciidamada Al Shabaab oo maalintii Sedaxaad maamulaya deegaan katirsan gobolka Sanaag.
Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaanno katirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay is fidintii ay xoogaga Al Shabaab ka sameeyeen deeganadooda.