Dowladda Itoobiya oo Faransiiska ka dalbatay in uu ka iibiyo Sawaariikh Niyugleer ah.

Tuesday November 19, 2019 - 17:01:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo Faransiiska ka dalbatay in uu ka iibiyo Sawaariikh Niyugleer ah.

    dowladda Itoobiya waddaa hub aruursi ay ugu diyaar garoobayso dagaal dhanka cirka ah oo ay lagasho dowladaha uu murunka dhanka biyaha kala dhaxeeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dowladda Itoobiya waddaa hub aruursi ay ugu diyaar garoobayso dagaal dhanka cirka ah oo ay lagasho dowladaha uu murunka dhanka biyaha kala dhaxeeyo.


Xukuumadda Addis Ababa ayaa dowladda Faransiiska ka codsatay in ay ka iibiso diyaarado casri ah iyo sawaariikhda niyugleerka si ay ugu difaacato wadankeeda oo halis lakulmi kara haddii la dhameystirto biya xireenka Alnahda.

Majaladda lepoint ee kasoo baxda magaalada Paris ayaa faafisay in R/wasaaraha Itoobiya uu madaxweynaha Faransiiska si rasmi ah uga dalbaday in dalkiisa laga iibiyo diyaaradaha casriga ah ee loo yaqaan Raafaal oo Faransiisku farsameeyo iyo sawaariikh Niyugleer ah, iyo Helicopters si sareloogu qaado awoodda ciidamada Itoobiya.


Sida Majalladan ay faafisay kaalmada uu faransiisku siiyo qaaradda afrika waxaa boos weyn ka heli doonto dowladda itoobiya, xukuumadda Addis Ababa ayaa Paris lagashay heshiis melleteri bishii Maarso ee lasoo dhaafay waana heshiiskii ugu horreeyay oo nuuciisa ah oo Faransiiska iyo itoobiya ay wada galaan.

Heshiiska itoobiya iyo Faransiiska ay wada saxiideen waxaa ka mid ah in loo dhiso ciidan xadidan oo dhanka badda ah, ciidanka badda Itoobiya oo burburay sanaddii 1991-kii markii erteriya ay ka go'day itoobiya ayna noqotay dal madax banaan , ilo wareedyo dhanka melleteriga ah waxay sheegayaan in dowladad itoobiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u heli laheyd diyaaradaha F16 ee mareykanku farsameeyo si ay isaga difaacdo suurtagalnimada weerar uga yimaad dhanka Masar.

Dowladda itoobiya waxay aad uga liidataa dhanka ciidanka cirka, dhaqaale xumida haysata aawgeed waxay isticmaashaan diyaarado duug ah oo uu farsameeyay midowgii suufiyeeti halka Masar oo xurguf dhanka biyaha ah ay kala dhaxayso ay ciidamadeeda cirka ku qalabaysanyihiin diyaarado casri ah oo ay kamid yihiin F16 .

Tallaabadan ay Itoobiya Faransiiska uga codsatay in uu ka iibiyo Sawaariikh Niyugleer ah ayay khubarada Melleteriga ku tilmaamay qar iska xoornimo siyaasadeed waana wax aad ufog dowlad Faqri ah sida Itoobiya oo kale ay hanato hubka wax ku gummaada.

Related Items