Xubin katirsan Sirdoonka Maamulka 'Puntland' oo Boosaaso lagu dilay.

Tuesday November 19, 2019 - 17:34:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xubin katirsan Sirdoonka Maamulka 'Puntland' oo Boosaaso lagu dilay.

    Weerar markale ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ayaa lagu dilay xubin katirsanaa sirdoonka maamulka Puntland ee ka arrimiyo qeybo katirsan gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore dil ka dhacay Gaalkacyo
Weerar markale ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ayaa lagu dilay xubin katirsanaa sirdoonka maamulka Puntland ee ka arrimiyo qeybo katirsan gobolka Bari.

Xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta barqadii Basteejada gaadiidka aada magaalada Gaalkacyo ee magaalada Boosaaso ku dilay mid kamida howlwadeennada Sirdoonka PIS-ta Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag bastoolado ku hubeysan ay dileen ninka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Wali Max'med Maxamuud, waa dilkii labaad oo muddo 24 saacadood gudahood ah laga dilo maamulka Puntland.

Xalay maqribkii ayay aheyd markii Al Shabaab ay Gaalkacyo ku dishay taliyihii ciidamada Nabad sugidda gobolka Mudug ee dhanka maamulka Puntland.


Col. Xaashi Cilmi Geelle ayaa wada shaqeyn dhow lalahaa dowladda Xabashida Itoobiya wuxuuna ahaa sarkaal galaangal dhanka amniga ah ku leh inta badan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Mudug.



Related Items