Mareykanka oo duqayn ku dilay Nin Ganacsade caan ka ahaa Gobolka Shabeellaha Hoose.

Tuesday November 19, 2019 - 19:24:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo duqayn ku dilay Nin Ganacsade caan ka ahaa Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Wararka ka imaanaya Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka lagu dilay qof shacab ah oo aan waxba galabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka lagu dilay qof shacab ah oo aan waxba galabsan.

Diraayad aan duuliyaha laheyn oo Mareykanku leeyahay ayaa galabta duqeyn ka fulisay magaalada Kuunyo Baroow ee  gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dishay nin ganacsade caan ka ahaa gobolka.

Duqaynta ayaa waxay diyaarada Maraykanku la beegsadeen nin lagu magacaabi jiray Ismaaciil kaas oo kamid ahaa ganacsatada Shabeellada Hoose, goob ganacsina ku lahaa magaalada Kuunyo Barroow.

Dadka deegaanka oo si aad ah u yaqaanay ganacsadaha ay Mareykanku dileen ayaa SomaliMeMo u sheegay in xilligii ay diyaaradu duqaynaysay ninkan uu ku sugnaa goob magaalada banaankeeda ah.


Dadweynaha magaalada ayaa ku yaacay halkii ay duqayntu ka dhacday waxaana goobta laga soo qaaday meydka ninkan gacansadaha ahaa oo si weyn looga yaqiinnay magaalada.

Mareykanka oo sheegta in uu duqaymihiisa la beegsado Xarakada Jihaadiga Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale marar farabadan u beegsaday dad aanan ka tirsanayn ama aanan wax xiriiir ah lala lahayn Al-Shabaab, axaana xilliyadii lasoo dhaafay sii kordhayay duqaymaha uu Maraykanku la beegsanayo dadka ganacsatada ah.

Warbixintii ugu dambaysay ee ay soo saartay hay'ada Amnesty International oo soo baxday dhowr isbuuc k ahor ayaa lagu sheegay in Maraykanku ay dad shacab ah ku laayeen Shabeellada Hoose, caddaymo ay hay'addu heshayna ay xaqiijinayaan in dadkaas Maraykanku duqeeynta ku laayay aysan wax lug ah ku lahayn Al-Shabaab.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items