Farmaajo oo ugarab raariciyay Shariif iyo Xasan Sheekh.

Wednesday November 20, 2019 - 08:53:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo ugarab raariciyay Shariif iyo Xasan Sheekh.

    Markii ugu horraysay waxaa lafilayaa in ay kulan yeeshaan Farmaajo iyo hoggaamiyaashii hore ee dowladda Federaalka tan iyo markii uu khilaafka xooggan soo kala dhaxgalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay waxaa lafilayaa in ay kulan yeeshaan Farmaajo iyo hoggaamiyaashii hore ee dowladda Federaalka tan iyo markii uu khilaafka xooggan soo kala dhaxgalay.


Sida wararku sheegayaan kulanka waxaa dalbaday Farmaajo maalmo kadib markii uu Shariif Sheekh Axmed ku hanjabay in uu dowladda Farmaajo awood uga saari doono magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararar laga helay Villa Somalia ayaa sheegaya in ay isisoo hor fadhiisan doonaan Farmaajo,Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed, wadahadallada ayaa salka ku haya sidii layskula meel dhigi lahaa waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka dowladda.


Xisbiyada mucaaradka ah ee madaxweynayaashii hore hor boodayaan ayaa ka walaacsan in Farmaajo iyo Kheyre ay muddo kororsi sameeyaan waxaana lafilayaa in arrinta doorashooyinka lagu caddeeyo kulanka dhacaya..

Hoggaamiyaashan dabadhilifyada ah ayaa isku khilaafsan dhanka maamulka balse waxay kawada simanyihiin in dalka ay sii haystaan ciidamada gummeysiga Itoobiya iyo Kenya.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items