Yahuudda oo duqeysay Saldhigyada Maleeshiyaadka Iiraan ee dalka Suuriya.

Wednesday November 20, 2019 - 10:53:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yahuudda oo duqeysay Saldhigyada Maleeshiyaadka Iiraan ee dalka Suuriya.

    Maamulka Yahuudda ayaa markale duqeymo baahsan ka geystay gudaha wadanka Suuriya ee dhaca mandiqadda Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Yahuudda ayaa markale duqeymo baahsan ka geystay gudaha wadanka Suuriya ee dhaca mandiqadda Shaam.


War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Yahuudda ayaa lagu sheegay in tobanaan gantaal lagu weeraray saldhigyo ay maleeshiyaad taabacsan dowladda Iiraan ay ku leeyihiin magaalada Dimishiq iyo hareeraheeda.

Afhayeenka Melleteriga Yahuudda wuxuu sheegay in ay burburiyeen dhowr saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada Iiraan "Tobanaan weeraro ah ayay ciidamadeenu ka geysteen Suuriya waxayna burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen maleeshiyaadka Iiraan gaar ahaan Feyllaqa Qudus" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Yahuudda.


Nidaamka Bishaar Al Asad ee Suuriya ayaa isna xaqiijiyay in duqeymo ba'an ka dhaceen magaalada Dimishiq iyo hareeraheeda balse wuxuu ku dooday in ay ka hor tageen sawaariikhda lagusoo weeraray.

Yahuudda ayaa bil walba diyaarado casri ah ku duqeysa bartilmaameedyo kuyaal wadanka Suuriya waxayba badanaa duqeymahaas ku beegsataa garabka Iiraan ee mandiqadda.

Related Items