Mareykanka oo qirtay in Askar looga dilay Afghanistan iyo Taliban oo diyaarad burburisay.

Wednesday November 20, 2019 - 12:36:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo qirtay in Askar looga dilay Afghanistan iyo Taliban oo diyaarad burburisay.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Mareykanka lagu gaarsiiyay weerar xooggan oo lagula beegsaday bartamaha wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Mareykanka lagu gaarsiiyay weerar xooggan oo lagula beegsaday bartamaha wadanka Afghanistan.


Dagaalyahannada Xarakada Jihaadiga Daalibaan ayaa fashiliyay weerar habeen dheelmad ah oo ciidamo American ah iyo kuwa xukuumadda Kaabuul ay ka geysan lahaayeen deegaan katirsan gobolka Loger.

War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada islaamiga [Taliban] ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay gantaal la heleen diyaarad laba matooreey ah nuuca loo yaqaan Chinook.


"Mujaahidiinta ayaa xalay weeraray ciidamada gummeysiga Mareykanka xilli ay isku dayayeen in ay ku degaan degmada Bangaraam ee wilaayada Loojer" ayaa lagu yiri war lasoo dhigay baraha bulshada.

Sheekh Daabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Daalibaan ayaa wakaalaha wararka u xaqiijiyay in 54 askari oo isugu jira American iyo kuwa xukuumadda ay ku dhinteen burburka diyaaradda.

Dhinaca kale Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in weerarkii xalay looga dilay 2 Askari islamarkaana looga burburiyay diyaarad dagaal, dowladda Mareykanka faah faahin dheeri ah kama bixin qaabka uu u dhacay weerarka askarteeda lagu dilay.

Wariyaal ku sugan wadanka Afghanistan waxay soo sheegeen in khasaaraha dhimasho ee gaaray ciidamada Mareykanka uu ka badanyahay inta ay Washington qiratay, weerarkan askarta lagu dilay wuxuu imaanayaa xilli Daalibaan ay sare uqaadday is fidinta ay ka sameynayso Afghanistan.


Related Items