Maxamuud Sayid Aadan oo loo diiday in uu galo magaalada Beled Xaawo.

Wednesday November 20, 2019 - 21:32:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Sayid Aadan oo loo diiday in uu galo magaalada Beled Xaawo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay ka oogmeen degmada Beled Xaawo ee dhacda xuduud beenaadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay ka oogmeen degmada Beled Xaawo ee dhacda xuduud beenaadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.

Saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan Gedo ayaa amar ku bixiyay in Maxamuud Sayid Aadan oo ah ku xigeenka Axmed Madoobe laga celiyo magaalada Beled Xaawo oo uu booqasho ku tagi lahaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay Maxamuud Sayid Aadan udiidday in uu gudaha ugalo magaalada halkaas oo lafilayay in uu kulamo kula qaato saraakiil horay uga tirsanaa maamulka Jubbaland balse hadda ku biiray dowlada Farmaajo.

Dad ku sugan Beled Xaawo ayaa warbaahinta u sheegay in Maxamuud Sayid Aadan uu maanta gelinkii dambe dib ugu laabtay dhanka saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Mandheera oo markii hore uu kasoo kicitimay.


Warbaahinta ku hadasha afka maamulka Axmed Madoobe ayaa xaqiijisay in ciidamada Itoobiya ay Maxamuud Sayid udiideen in uu galo magaalada Beled Xaawo, dhowaan ayay aheyd markii sidaan oo kale ninkan dabadhilifka ah loogu diiday in uu galo degmada Ceelwaaq.

Dhammaan maamulladii ka jiray degmooyinka gacanta cadowga kujira ee gobolka Gedo waxaa xiriir lasameysteen dowladda Federaalka iyagoo ka go'ay maamulka 'Jubbaland' ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items