Q.Midoobay oo ku fashilantay in ay diido deegaamaysiyada Yahuudda ee Daanta galbeed.

Thursday November 21, 2019 - 10:34:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q.Midoobay oo ku fashilantay in ay diido deegaamaysiyada Yahuudda ee Daanta galbeed.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa ku fashilmay in ay dhaleeceeyaan qorshaha maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ay deegaamaysi sharci darra ah uga sameynayaan dhulalka Filasdiin Mareykankuna taageero siiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa ku fashilmay in ay dhaleeceeyaan qorshaha maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ay deegaamaysi sharci darra ah uga sameynayaan dhulalka Filasdiin Mareykankuna taageero siiyay.

Fadhi ay 'golaha ammaanka' ku yeesheen magaalada New York ayay uga doodeen sida laga yeelayo deegamaysiyada sharci darrada ah ee maamulka Yahuudda uu ka wado deegaannada dhaca daanta galbeed ee Wabiga Urdun.

Dowladaha ku bahoobay Ururka Midowga Yurub oo ay ugu horreeyaan Ingiriiska,Faransiiska,Jamralka iyo Biljamka ayaa si kulul udhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanku ku sharciyeeyay deegaamaysiyad ay Yahuuddu bilaawday.

Waxa loogu yeero Q.Midoobay oo ah gole loo sameeyay sidii lagu hagar daamayn lahaa muslimiinta ayaa ku guul darraystay in uu soo saaro go'aan loo dhanyahay oo lagu diidanyahay ama lagu dhaleecaynayo deegaamaysiga Yahuudda ee dhulalka Filasdiin.


Maamulka Yahuudda ayaa maalmo ka hor bilaabay in uu kumanaan guri ka dhiso dhulalkii uu ka boobay shacabka Falasdiin oo kuyaal deegaannada Daanta galbeed, tallabada Yahuuddu qaadday waxaa taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed siinaysa dowladda Mareykanka.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items