Xoogaga Taxriiru Shaam oo dib uqabsaday magaalo katirsan gobolka Idlib.

Thursday November 21, 2019 - 11:08:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Taxriiru Shaam oo dib uqabsaday magaalo katirsan gobolka Idlib.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in xoogaga kacdoonka ay guulo muuqdo ka gaareen dagaallo ay lagaleen ciidamada Bishaar Al Asad iyo kuwa Ruushka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in xoogaga kacdoonka ay guulo muuqdo ka gaareen dagaallo ay lagaleen ciidamada Bishaar Al Asad iyo kuwa Ruushka.

Wariyaal ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa soo sheegay in xoogaga Hay'adda Taxriiru Shaam ay dib ula wareegeen degmada istiraatiijiga ah ee lagu magacaabo Al Mshairfeh.

Dagaallo culus ayay xoogaga Islaamiga ah lageleen ciidamo katirsan nidaamka Bishaar Al Asad oo dhanka cirka ah ay ka taageerayeen ciidamada Ruushka, wararku waxay sheegayaan in gabi ahaan gacan ku heynta degmada iyo deegaannada hoos yimaad ay la wareegeen xoogaga islaamiga ah.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay xoogaga Taxriiru Shaam oo goobta dagaalka kasii kaxaysanaya illaa 7 askari oo katirsanaa ciidamada Nidaamka Bishaar Al Asad.


Al Mshairfeh waa degmo katirsan gobolka Idlib ee Waqooyiga Suuriya oo horraantii bishaan ay ixtilaaleen ciidamada Ruushka iyo kuwa Bishaar Al-asad dib usoo cesashadeeda ayaa ka dhigan in xoogaga kacdoonka ay wali leeyihiin awood ay cadowga ku wajahi karaan.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items