Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose dagaal culus ayaa xalay markale ka dhacay mid kamida magaalooyinka ku jira gacanta ciidamada gummeysiga Kenya.
Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weeraro
xooggan lagu qaaday saldhigyo ay maleeshiyadka maamulka Axmed Madoobe ku
leeyihiin gudaha iyo banaanka degmada Afmadoow.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal culus uu Afmadoow ka dhacay, xoogag aad
u hubeysan oo katirsan Xarakada SHM ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyada
maamulka isku magacaabay Jubbaland.
Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa sheegaya in xoogaga weerarka qaaday ay muddo
saacada ah heysteen goobihii lagu dagaallamay kadibna ay dib uga gurteen,
ciidamada Kenya ee saldhigga ku leh banaanka Afmadoow wax gurmad ah uma fidin
maleeshiyaadka laweeraray.
Illaa iyo hadda faah faahin lagama hayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka
dhashay dagaalkii xalay ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Afmadoow.
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Saldhigyo kuyaal degmada Afmadoow oo Weeraro kala kulmay Al Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose dagaal culus ayaa xalay markale ka dhacay mid kamida magaalooyinka ku jira gacanta ciidamada gummeysiga Kenya.