Sarkaal Miina Baare Yugaandheys ah oo Sh/hoose lagu dilay iyo Weerar ka dhacay Siinka dheer.

Thursday November 21, 2019 - 22:01:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Miina Baare Yugaandheys ah oo Sh/hoose lagu dilay iyo Weerar ka dhacay Siinka dheer.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Saaka aroortii hore ayay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab waxay weerar ku ekaysiiyeen maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee isbaaradu utaal deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Hugunka rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa laga maqlayay inta badan deegaannada dhaca duleedka galbeed ee magaalada caasimadda ah.

Weeraro is xigxigay ayaa maanta gelinkii dambe ciidamada shisheeye lagula beegsaday duleedyada degmooyinka Qoryooleey iyo Buula Mareer, ilo wareedyo ay heshay SomaliMeMo ayaa sheegaya in weerar dhabbagal ah uu qabsaday ciidamo katirsan AMISOM oo ka amba baxay degmada Buula Mareer kunasii jeeday deegaanka Maryan Gubaay.


Dagaalka kadib qarax ayaa haleelay ciidamada lugeynayay wuxuuna qaraxaas sababay dhimashada sarkaal miina baare ah oo u dhashay dalka Uganda, sidoo kale weerar ayaa qabsaday ciidamo Uganda ee ku sugan deegaanka Mashallaay ee duleedka Qoryooleey.

Dad ku sugan wadada laamiga ah waxay sheegeen in ay arkeen ciidamada Uganda oo Meydad iyo dhaawac wata, wararka ayaa intaas ku daraya in weerar kale lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceel Saliini. Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ee ku sugan Sh/Hoose.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items