Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhigyada ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Hiiraan.
Xoogaga Al Shabaab ayaa markale guluf dagaaleed xooggan ku qaaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku joog gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogag hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada Amxaarada waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo muddo saacada ah qaatay.
Wariye Nuur Cali Warsame oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa soo sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Halgan uu ahaa mid xooggan oo saameyntiisa laga dareemay deegaanno ka fog halgan, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ciidamada Itoobiya kasoo gaaray dagaalkii xalay.
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Saldhigga ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan oo Weerar kala kulmay Al Shabaab.
Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhigyada ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Hiiraan.