Mas'uul katirsan Xeer ilaalinta oo ku dhaawacmay Qarax Muqdisho ka dhacay.

Saturday November 23, 2019 - 20:15:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsan Xeer ilaalinta oo ku dhaawacmay Qarax Muqdisho ka dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo caawa ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo caawa ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

ilo wareedyo laga helay degmada Xamarweyne ayaa sheegaya in qarax gaari uu sababay dhaawac halis ah oo soo gaaray mid kamida mas'uuliyiinta xafiiska Xeer ilaalinta dowladda Federaalka.

Sida wararku sheegayaan wuxuu dhaawac culus gaaray mas'uul magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdullaahi Dheere, qaraxa ayaa sababay in Cabdullaahi dheere ay ka go'do mid kamida lugihiisa.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas'uuliyaddan weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items