Safarkii ugu horreeyay ayuu Axmed Madoobe ugu amba baxay dalka dibaddiisa tan iyo markii bilo ka hor uu ku dhawaaqay in mar labaad loo doortay madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.
Diyaarad khaas ah oo dowladda Kenya ay leedahay ayaa Axmed Madoobe ka qaadday garoonka diyaaradaha Kismaayo wuxuuna durbadiiba ka degay magaalada Nairobi.
Socdaalka hoggaamiyaha 'Jubbaland' ee Kenya ayaa salka ku haya arrimo siyaasadeed wuxuuna doonayaa in uu iska khafiifiyo culeyska uga imaanaya dhanka dowladda Federaalka.
Warar lagasoo xigtay saraakiisha ku dhow Axmed Madoobe waxay sheegayaan in socdaalkiisa Nairobi uu yahay sidii uu ubadbaadin lahaa qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo oo qarka usaaran in ay uwareegaan dhanka Farmaajo.
Isbuucii lasoo dhaafay ciidamada Itoobiya ee xoogga ku jooga gobolka Gedo ayaa Maxamuud Sayid Aadan ku xigeenka Axmed Madoobe ka hor istaagay in uu galo magaalooyinka Beled Xaawo iyo Ceelwaaq.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Axmed Madoobe oo Nairobi ka bilaabay Olole uu ku badbaadinayo maamulkiisa.
Safarkii ugu horreeyay ayuu Axmed Madoobe ugu amba baxay dalka dibaddiisa tan iyo markii bilo ka hor uu ku dhawaaqay in mar labaad loo doortay madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.