30 qof Kenyaan ah oo u dhintay dhul go' iyo Roobab.

Sunday November 24, 2019 - 11:13:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 qof Kenyaan ah oo u dhintay dhul go' iyo Roobab.

    Tobanaan qof Kenyaan ah ayaa dhintay kadib markii dhul go' xooggan uu ku dhuftay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof Kenyaan ah ayaa dhintay kadib markii dhul go' xooggan uu ku dhuftay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Kenya.


Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 qof ay dhinteen kadib markii uu dhulku la go'ay xilli ay roobab mahiigaan ah ka da'ayeen inta badan gobollada wadanka Kenya.

Hay'adda saliibka guduudan ee wadanka Kenya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in 30 qof ay dhinteen tobanaan kalane la la'yahay, musiibada ugu daran waxay ka dhacday deegaannada kala ah Nyarkulian iyo Parua.


Uhuru Kenyaatta oo ah madaxweynaha wadanka ayaa ku dhawaaqay baroor diiq wuxuuna ugu baaqay hay'adaha reergalbeedka in dadkiisa ay lasoo gaaraan gargaar, tuulooyinka qaar ayaa la sheegay in ay xaalad go'doon ah ku jiraan kadib markii daadadka roobabka ay hareereeyeen.

Bishaan gudaheeda dad toban qof ka badan ayaa roobab ugu dhintay gudaha Kenya, waddooyin isku xiri jiray magaalooyinka qaar ayaa go'ay kadib markii daadad khasaara dhaliyay ku dhufteen.

Inta badan wadamada dhaca bariga qaaradda Afrika sanadkan waxaa ka da'aya roobab mahiigaan ah oo meelaha qaar geystay khasaara nafeed iyo mid maaliyadeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items