ICJ Oo Sheegtay in Xukuumadda Miyanmar Ay Ka Dambeysay Dhibaatooyinkii Loo Geystay Muslimiinta Rohingiya.

Monday November 25, 2019 - 13:28:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ICJ Oo Sheegtay in Xukuumadda Miyanmar Ay Ka Dambeysay Dhibaatooyinkii Loo Geystay Muslimiinta Rohingiya.

    Waxa loogu yeero Maxkamadda dembiyada Caalamiga ayaa sheegtay in Xukuumadda Buudiyiinta ay ku lug lahayd dhibaatooyinka loo geystay Muslimiinta Rohingiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Maxkamadda dembiyada Caalamiga ayaa sheegtay in Xukuumadda Buudiyiinta ay ku lug lahayd dhibaatooyinka loo geystay Muslimiinta Rohingiya.


Masuuliyiintii Maxkamadda waxa loogu yeero cadaaladda aduunka ayaa ka marqaati kacay in dhibaatooyinkii loo geystay Muslimiinta Rohigniya ay ahaayeen kuwa qorsheysan oo ka tarjumayay siyaadada xukuumadda Buudiyiinta.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda waxa loogu yeero Cadaaladda haweeneyda lagu magacaabo Fatu ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in garsoorayaasha Maxkamadda ay heleen cadeymo muujinaya in dhibaatadii loo geystay sanadkii 2016-ka Muslimiinta Rohigniya ay ka dambeysya dowladda Baarma.



"Ciidamada dowladda waxay geysteen kufsi, tacdiibin, jirdil iyo barakicin, waxaana arintu ahayd siyaasad guud oo ay dowladdu Miyanmar ka duuleysayā€¯ ayay tiri haweeneydan madaxda ka ah Maxkamadda waxa loogu yeero Cadaaladda Aduunka.

Sida ay cadeyneyso Maxkamadda, dhibaatada loo geystay Muslimiinta Rohingiya waxaa geystay ciidamada Amaanka, kuwa milliteriga iyo dad Buudiyiin xagjir ah oo garab socday ciidamada wadanka, waxaana maxkamaddu soo jeedisay in baaris ballaaran lagu sameeyo xadgudubyada loo geystay Muslimiinta Rohingiyah.

Xukuumadda Miyanmar ayaa si kulul u beenisay warka kasoo baxay Maxkamadda waxa loogu yeero Cadaaladda Aduunka, iyadoona sheegtay inaaney jirin wax xadgudub ah oo ku kaceen ciidamadeeda.

Dhibaatada ka dhanka ah Muslimiinta Rohingiyah ayaa taagan illaa iyo hadda, waxaana dadka ugu badan ay ku noolyihiin kaamam qoxooti ah oo ku yaala wadamada deriska la ah Miyanmar sida Bangaladesh, halkaas oo ay ku heysato nolol adag.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items