Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku dilay darawalka Mooto Bajaaj.

Monday November 25, 2019 - 15:59:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku dilay darawalka Mooto Bajaaj.

    Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sare uqaaday tacadiyada ay ugeysanayaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sare uqaaday tacadiyada ay ugeysanayaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha.


Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil ka dhacay isgoyska Banaadir oo kamid ah isgoyska ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladdu ay si bareer ah udileen Xasan Cali Bacadle oo ahaa darawalka Moota Bajaaj islamarkaana si weyn looga yaqiinay degmada Hodon.

Wiilka dhalinyarada ah ee ay ciidamadu dileen ayaa dhowaan ka qalin jabiyay mid kamida jaamacadaha magaalada Muqdisho, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadu markii ay dilka geysteen ay goobta isaga dhaqaaqeen.


Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada dowladda Farmaajo ay dad shacab ah ku dilaan dad shacab ah waxaana muuqata in darawallada Moota Bajaajka ay bartilmaameed gaar ah u yihiin ciidamada dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items