Roobab daadad wata oo go'doon ka dhigay mid kamida degmooyinka gobolka Bari.

Monday November 25, 2019 - 16:18:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab daadad wata oo go'doon ka dhigay mid kamida degmooyinka gobolka Bari.

    Roobab mahiigaan ah oo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ka da'ayay deegaanno katirsan gobolka Bari ayaa sababay xaalad adag oo ay wajahayaan dadka deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab mahiigaan ah oo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ka da'ayay deegaanno katirsan gobolka Bari ayaa sababay xaalad adag oo ay wajahayaan dadka deegaanka.


Wararka ka imaanaya degmada Gumbax ee dhacda xeebaha gobolka Bari ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay degmadaasi tahay mid go'doon ah mana jirto cid geli karta iyo cid kasoo bixi karta.

Dhammaan waddooyinkii soo geli jiray degmada ayay jareen daadadka ka dhashay roobabka dayrta, guddoomiyaha degmada ayaa warbaahinta u sheegay in dabeyllo xooggan ay ku dhufteen xeebta degmada taas oo ka dhigan in bad iyo barri ay ka go'doonsantahay.


" Saacadan aan idiinla hadlo meel loo maro gobolka Gardafuu ma jirto, Wadada lafa-goray oo buur korkeeda ah oo loo mari jiray gobolka Gardafuu ay labo meeleed ay ka go’antahay, wadadii xoogaad ay iyaduna sidoo kale waa go’an tahay, marinka dhinaca badda la mari karo oo dabaylo ayaa ka dhacaya” sidaas waxaa yiri nin lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf Qeyllo oo katirsan xildhibaannada maamulka Puntland.

Roobabka Dayrta ayaa sanadkaan si xooggan uga da'aya inta badan gobollada dalka Soomaaliya waxayna roobabku meelaha qaar ka geysteen dhibaatooyin waxaana sii dheer fatahaado ay sameynayaan labada wabi ee Shabelle iyo Jubba,

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items