Maamulka 'Somaliland' oo qabtay dad udhashay dalka Imaaraatka oo Ugaarsi ku hayay Duur joogta Waqooyi Galbeed.

Tuesday November 26, 2019 - 11:22:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Somaliland' oo qabtay dad udhashay dalka Imaaraatka oo Ugaarsi ku hayay Duur joogta Waqooyi Galbeed.

    Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa xabsiga dhigay ku dhowaad 10 nin oo udhashay dalka Imaaraatka Carabta kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay ugaarsi sharci darra ah ka waday gobollada Waqooyi galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa xabsiga dhigay ku dhowaad 10 nin oo udhashay dalka Imaaraatka Carabta kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay ugaarsi sharci darra ah ka waday gobollada Waqooyi galbeed.


Ciidamada Booliska ayaa xabsiga magaalada Hargeysa ku xiray illaa 9 ruux oo doonayay in ay udhoofaan wadanka Imaaraatka Carabta, dadka laqabtay ayaa la sheegay in ay si xad dhaaf ah u ugaarteen qaar kamid ah duur joogta ku dhaqan miyiga gobollada Waqooyi galbeed.

Waxgaradka degmada Sabo Wanaag ee gobolka Waqooyi galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in dadka carabta ah ee laqabtay maalmihii lasoo dhaafay ay ku howlanaayeen Ugaarsi aan loo meel dayin.


Maamulka 'Somaliland' ayaa horay umamnuucay in duur joogta la ugaarsado kadibna loo dhoofiyo dalka dibadda, ganacsato iyo maal qabeenno udhashay wadanka Imaaraatka Carabta ayaa degmooyinka Sheekh Oodweyne horay uga xaalufiyay qaar kamid ah duur joogta sida Baciidka iyo Deerada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items