Xoogag Jihaadi ah oo Weerar Hubaysan ka fuliyay gudaha Wadanka Burkina Faso.

Tuesday November 26, 2019 - 12:08:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo Weerar Hubaysan ka fuliyay gudaha Wadanka Burkina Faso.

    Xoogagga Jihaadiga ah ee JNIM ayaa weeraro hor leh ka fuliyay gudaha wadamada Maali iyo Burkina Faso oo dhammaantood dhaca mandiqadda Saaxilka ee galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Jihaadiga ah ee JNIM ayaa weeraro hor leh ka fuliyay gudaha wadamada Maali iyo Burkina Faso oo dhammaantood dhaca mandiqadda Saaxilka ee galbeedka qaaradda Afrika.


Mu'asasada Azzalaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jamaacada Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiin ayaa faafisay Bayaan kasoo baxay hoggaanka mujaahidiinta kaasi oo lagu faah faahinayo duullaanno hor leh oo ka dhacay wadamada Maali iyo Burkina Faso.

Weerar ka dhacay mandiqadda Kelbob ee Burkina Faso ayaa sababay in xoogaga jihaadiga ah ay la wareegaan saldhigyo melleteri oo ay lahaayeen ciidamada Melleteriga iyo kuwa xuduudaha ilaaliya.


Inkastoo xukuumadda Faransiiska iyo wakiilladeeda ay ku dadaalayeen sidii ay u hakin lahaayeen dhaq dhaqaaqyada jihaadiga ah ee mandiqadda Saaxilka iyo Saxaraha hadane isku daygaas ayaa noqday mid guul darraystay.

Bayaanka JNIM ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid guuleystay laga gaaray ujeedkii lagalahaa waxayna mujaahidiintu howlgalkaas kusoo qaniimeysteen hub iyo haadiid waxaana kamid ah 21 mooto dhug dhugleey,qoryaha gaadiidka lagu xiro ee dhashiikaha loo yaqaan iyo saanado kale oo melleteri.

Sidoo kale weerar ka dhacay mandiqadda Moobti ee wadanka Maali ayaa lagu dilay ugu yaraan 2 Askari oo katirsan xukuumadda Maali halka 6 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items