Kadib dhax dhaxaadin ay odayaal dhaqameedyo ay ka dhax sameeyeen maamulka isku magacaabay Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ugu dambeyntii lasii daayay xubno ku xirnaa xabsiga degmada Mandheera.
Xoghayihii guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen iyo Afhayeenkii xisbiga Waddani
Barkhad Jamac ayaa lasii daayay iyadoo aan wax maxkamad ah la saarin.
Cabdi Raxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa soo dhoweeyay sii
daynta mas'uuliyiinta Xisbiga balse faah faahin dheeri ah kama bixin sababta
loosii daaye.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Muuse Biixi iyo Cirro ay isku afgarteen in
khilaafka laxadeeyo islamarkaana aan ladhigin dibad baxyo ka dhanka maamulka
'Somaliland'.
Odayaal dhaqameedyadii wadahadalka dhax dhigay labada dhinac ayaa Xisbiga
Waddani uballan qaaday in aan la beegsan doonin shaqaalaha Xisbiga inta laga
gaarayo doorashooyinka soo socda.
Isbuucii lasoo dhaafay xiisada siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa
laga cabsi qabay in ay isku bedelaan dagaal ay gorodda islagalaan dhinacyadii
horay udhisay maamulka isku magacaabay 'Somaliland'.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Mas'uuliyiintii Xisbiga Waddani oo Xabsiga Mandheera lagasii daayay.
Kadib dhax dhaxaadin ay odayaal dhaqameedyo ay ka dhax sameeyeen maamulka isku magacaabay Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ugu dambeyntii lasii daayay xubno ku xirnaa xabsiga degmada Mandheera.